Suurad Al-Fatihah — The Opening

Suurad Al-Fatihah (The Opening) — 1/114 · 7 aayado. Akhri oo dhagayso qoraalka Carabiga iyo tarjumaadda Soomaaliga.

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Ku Billaabasho Magaca Allaah, ee Naxariis guud,iyo mid gaar ahba Naxariista

Ayah 1

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa iska leh Allaah, Rabbiga uunanka

Ayah 2

ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Naxariis guud, iyo mid gaar ahba Naxariista

Ayah 3

مَٰلِكِ يَوۡمِ ٱلدِّينِ

Boqorka Maalinta Abaal Marinta

Ayah 4

إِيَّاكَ نَعۡبُدُ وَإِيَّاكَ نَسۡتَعِينُ

Adiga oo keliyaan ku caabudnaa, oo Adiga oo keliyaaan ku warsannaa kaalmo

Ayah 5

ٱهۡدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ

Nagu Sug Tubta Toosan

Ayah 6

صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِمۡ غَيۡرِ ٱلۡمَغۡضُوبِ عَلَيۡهِمۡ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ

Tubta kuwa aad u Nicmaysay2, aan aheyn kuwa galabsaday cadho(daada)3, iyo kuwa iyagu lunsan

Ayah 7