Suurad Al-Humaza — The Traducer
Suurad Al-Humaza (The Traducer) — 104/114 · 9 aayado. Akhri oo dhagayso qoraalka Carabiga iyo tarjumaadda Soomaaliga.
وَيۡلࣱ لِّكُلِّ هُمَزَةࣲ لُّمَزَةٍ
Hoog waxaa leh dure kasta, wax ceebeeya
Ayah 1ٱلَّذِي جَمَعَ مَالࣰ ا وَعَدَّدَهُۥ
Kaasoo maal jamciya oo u heysta sahay ahaan (aanse ka bixin xaqa lagu leeyahay)
Ayah 2يَحۡسَبُ أَنَّ مَالَهُۥٓ أَخۡلَدَهُۥ
Wuxuu moodaa in maalkiisu waarin
Ayah 3كَلَّاۖ لَيُنۢبَذَنَّ فِي ٱلۡحُطَمَةِ
Mayee! Waxaa hubaal lagu tuuri burburisada
Ayah 4وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا ٱلۡحُطَمَةُ
Oo maxaa ku ogeysiiyey waxa ay burburisadu tahay
Ayah 5نَارُ ٱللَّهِ ٱلۡمُوقَدَةُ
Waa Naar Ilaahay oo la huriyey
Ayah 6ٱلَّتِي تَطَّلِعُ عَلَى ٱلۡأَفۡـِٔدَةِ
Oo kor ugu baxda quluubta dushooda
Ayah 7إِنَّهَا عَلَيۡهِم مُّؤۡصَدَةࣱ
Hubaal waxaa lagaga xidhi dusha korkooda
Ayah 8فِي عَمَدࣲ مُّمَدَّدَةِۭ
Tiirar la taagay dhexdood
Ayah 9